Sharciga The Affordable Care Act wuxuu amrayaa in qof walbaaba hello caymis ama kaar caafimaad, Wuxuuna sahlay jidad cusub oo lagu hello kaar caafimaad oo la awoodo.
MNsure waa saylad ama suuq iibsi oo online ah taas oo ka caawinaysa reer minnesota siday ku heli lahaayeen kaar caafimaad oo la awoodi karo . Hadii aadan kaar caafimaad adigu heli karin, ama aad u baahan tahay caawimaad dhaqaale, MNsure waa meesha aad ka bilaabi kartid. Weliba waxaad heli kartaa qof tababaran oo khibrad leh oo ku caawiya iyadoo lacag la'aan, qofkaas oo ku hadla luuaqadaada. Markaad yeelatid kaar caafimaad, Waa inaad fahantaa sida uu shaqeeyo kaarkaaga caafimaad, iyo weliba waxa ay tahay masuuliyaadaadu. Intaas kadib yeelo ama samayso rug caafimaad iyo ka hor tag iyo baaris joogto ah oo caafimaad.
Sida ugu wanaagsan oo aad adiga iyo reerkaaguba ku dhowri kartaan caafimaadkiina waan inaad fahantaan , yeelataan oo weliba istcimaashan kaar caafimaad si aad u heshaan daryeel caafimaad . Si aad wax badan uga ogaato arintaan ECHO-TPT ayaa si wada jira usoo saaray iyadoo afaf badan oo hadeer diyaar ah, sida Spanish, Hmong, Somali and English.